Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalka Ethiopia

Image

GAROWE, April 15,2015 (GO)- Wararka Garowe online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Gaas ku wajahan yahay maalinta berri ah wadanka Ethiopia halkaas oo la sheegey inuu kaga qayb galayo shir sanadle ah.

Madaxweynaha ayaa wararku xusayaan in uu kaga qayb galayo magaalada Bahir Dar kulan loogu magac dare Tana Forum kaasoo sanad walba la qabto.

Kulankaan oo ka soconaya magaalada Bahir Dar 18-19 April 2015 ayaa waxaa lagu martiqadaa qaar ka tirsan madaxda Africa iyo shaqsiyaadka caanka ka ah qaarada kuwaasoo hadalo ka jeedayo.

Tana High-Level Forum on Security in Africa ayaa lagu soo qaataa sanad walba qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa.

Madaxweyne Gaas oo ku maqanaan doona wadanka Ethiopia ilaa 20 April,2015 ayaa sanadkii hore ka qayb galey kulankaan iyadoo dowlada Federaalka aysan u soo dirin aalaaba kulankaan wafdi matala sababo aan la shaacin.

Halkan ka akhri kulanka Bahir Dar iyo Barnaamijka lagaga hadlayo

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM