Madaxweynaha Puntland oo la kulmay gudoomiyaha cusub Barlamanka

Image

09 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa manta xarunta madaxtooyada Puntland ku qaabilay gudoomiyaha cusub Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, waxaana uu soo dhaweeyay qaabka doorashadu u dhacday isagoo ku tilmaamay inay ahayd mid cad oo dimuqraadiyad ah.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa u mahadceliyay gudoomiyihii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire, waxana uu sheegay inuu soo qabtay howlo muhiim ah.

” Doorashadii maanta ka dhacday Baarlamaanka waxaa ay muujinaysaa dimuqrasiyadda gaamurtay ee ay Puntland ku talaabsatay , bisaylka siyaasadeed ee ay gaareen sidoo kale shacabku ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gaas, ayaa taageersana gudoomiyaha cusub Barlamanka Puntland, waxaana doorashada ka dib kula kulmay qasriga madaxtooyada Puntland isagoo ugu hambalyeeyay xilkan loo dhiibay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM