​Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madax ka socotay MSF

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Mudisho ayaa galabta xarunta  Villa Hargaysa, kulan kula qaatay mas'uuliyiin ka socotey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Kulanka labada dhinac ayaa ku saabsanaa sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada caafimaad ee ay hay’addu ka fuliso Puntland islamarkaana la gaarsiiyo shacabka adeegyo tayo leh.

Saraakiisha ka socotey MSF ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay  xoojiyaan wada shaqaynta kala dhexaysa Puntland, isla markaana waxay ammaaneen nabadda iyo xasiloonida k ajirta gobollada maamulkaasi.

Sidoo kale waxay  ballan qaadeen inay  dhowaan  kusoo kordhin doonaan qaybo kamid ah  xarumaha caafimaadka Puntland goobo si gaar ah loogu talo galay xannaanada hooyada iyo dhallaanka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey hay’adda MSF shaqada ay u qabtaan umadda Somaliyeed gaar ahaan Puntland, wuxuuna intaasi ku daray inay jeclaan lahaayeen in shaqada intaasi laga ballaariyo maadama baahidu badantahay.

Wuxuu ballan qaaday inay kala shaqayn doonaan fududaynta adeegyada ay fulin doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM