Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Issimada

Image

Waxaa saaka 16 August,2014 ka dhacey xarunta madaxtooyada Puntland kulan Madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas la yeeshay Issimada intooda joogta magaalo madaxda Garowe.

Kulankaan ayaa warar badan kasoo bixin balse xoggo laga helayo ayaa sheegaya inuu hordhac u yahay shir maalinta berri ah dhexmari doona Issimada Puntland intooda joogta Garowe iyo ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Nicholas Key.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu codsadey kulankaan Issimada madaama Ergeyga QM Nicholas Key la kulamyo maalinta berri ah 17 August,2014 odoyaasha dhaqanka intooda ku sugan Garowe.

Lama oga sababta Nicholas Key u codsadey la kulanka Issimadaan iyadoo laga warqabo in maalinta berri ah la xusayo sanadguuradii markii xafiiska QM laga furey wadanka Somalia.

Nicholad Key ayaa alaaba la kulma Issimada Puntland iyo kuwa Somalia isagoo kala xaajooda arrimaha Somalia taasoo mararka qaarkood ku abuurta shakii siyaasiyiinta Somalida.

Madaxweynaha Puntland aya dhowaan diidey ka qaybgalkiisa kulan golaha amaanka kula lahaa madaxda dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo golaha loo xilsaarey maamul u dhiska gobolada Koonfur Galbeed

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM