Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Issimada

Image

Waxaa saaka 16 August,2014 ka dhacey xarunta madaxtooyada Puntland kulan Madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas la yeeshay Issimada intooda joogta magaalo madaxda Garowe.

Kulankaan ayaa warar badan kasoo bixin balse xoggo laga helayo ayaa sheegaya inuu hordhac u yahay shir maalinta berri ah dhexmari doona Issimada Puntland intooda joogta Garowe iyo ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Nicholas Key.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu codsadey kulankaan Issimada madaama Ergeyga QM Nicholas Key la kulamyo maalinta berri ah 17 August,2014 odoyaasha dhaqanka intooda ku sugan Garowe.

Lama oga sababta Nicholas Key u codsadey la kulanka Issimadaan iyadoo laga warqabo in maalinta berri ah la xusayo sanadguuradii markii xafiiska QM laga furey wadanka Somalia.

Nicholad Key ayaa alaaba la kulma Issimada Puntland iyo kuwa Somalia isagoo kala xaajooda arrimaha Somalia taasoo mararka qaarkood ku abuurta shakii siyaasiyiinta Somalida.

Madaxweynaha Puntland aya dhowaan diidey ka qaybgalkiisa kulan golaha amaanka kula lahaa madaxda dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo golaha loo xilsaarey maamul u dhiska gobolada Koonfur Galbeed

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM