Madaxweynaha Puntland oo la kulmey safiirka Imaaraadka Carabta

Image

May 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cuthmani .

Kullanka Madaxweyne Gaas la qaatay Safiirka ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan Shire waxaana ay uga wada hadleen horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

Shirka ayaa intii uu socday sidookale looga hadlay dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Imaaraadka carabtu ka fuliso guud ahaan Puntland, kuwaasoo hadda meel wanaagsan maraya.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka iyo wefdiga uu hogaaminayo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

Danjire  Mohamed Al-Cuthmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Puntland, wuxuuna sheegay in mar walba ay ka go'an tahay sii wadista xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dhinac

Imaaraadka carabta ayaa Puntland ka taageera dhinacyo badan, waxaase ugu muhiimsan dhaqaalaha ku baxa ciidamada Badda Puntland oo dowladda Imaaraadku bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM