Madaxweynaha Puntland oo la kulmey safiirka Imaaraadka Carabta

Image

May 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cuthmani .

Kullanka Madaxweyne Gaas la qaatay Safiirka ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan Shire waxaana ay uga wada hadleen horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

Shirka ayaa intii uu socday sidookale looga hadlay dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Imaaraadka carabtu ka fuliso guud ahaan Puntland, kuwaasoo hadda meel wanaagsan maraya.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka iyo wefdiga uu hogaaminayo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

Danjire  Mohamed Al-Cuthmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Puntland, wuxuuna sheegay in mar walba ay ka go'an tahay sii wadista xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dhinac

Imaaraadka carabta ayaa Puntland ka taageera dhinacyo badan, waxaase ugu muhiimsan dhaqaalaha ku baxa ciidamada Badda Puntland oo dowladda Imaaraadku bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM