Madaxweynaha Puntland oo la kulmey wafti ka socda dalka Iran

Image

Sept 4,2015 (GO)- Wafti ka socda saraakiil ku magacaaban safaarada dalka Iran ku leeyahay Somalia iyo hay'ada la yiraahdo Khumeini Foundation ayaa madaxweynaha dowlada Puntland kula kulmey magaalada Garowe.

Waftigaan oo kasoo dagey magaalada Galgalacayo ayaa aqalka madaxtooyada Garowe kula kulmey madaxweyne Gaas intii uu booqashada ku imaan xarunta gobolka Mudug.

Booqashada safarkaan oo laga qariyey saxaafada ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu u saarey guddi ka kooban wasaarada arrimaha gudaha, Kaluumeysiga iyo agaasimihii hore ee cidiamada PMF Cabdinaasir Biixi.

Waftigaan iyo guddigii loo xilsaarey ayaa wararku sheegayaan iney u gudbeen magaalada Qardho iyo Bosaso halkasoo ay booqdeen xeryaha qaxootiga dalka Yamen.

Wararkaan ayaa sheegaya in xubnahaan ka socdey safaarada iyo hay'daan la yiraahdo Khumeyni Foundation ay balan qaadeen iney tageero u fidin doonaan qaxootiga dalka Yamen.

Dhinaca kale waftigaan ayaa xubnihii ka socdey wasaarada Kaluumeysiga Puntland kuwasoo uu hogaaminyey wasiir ku-xigeenka kala xaajoodey sidii loo sharciyeen lahaa doonyaha Iraaniyiinta kuwasoo Kaluumeysiga sharci dara ah ka sameeya xeebaha Puntland.

Dowlada Iran ayaa tan iyo intii uu bilowdey dagaalka ka socda dalka Yamen waxey kordhisay xiriirka ay la sameyneyso madaxda Somalida iyo ganacsatada gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho. Iran ayaa balanqaadeysa in hay'adaheeda khayriyaadka tageeraayaan shacabka Somalida.

Kulankaan madaxweynaha Puntland la qaatey waftigaan ka socdey Iran ayaa sidoo kale wararku sheegayaan iney balan qaadeen deeq waxbarasho oo dalka Iran siinayo ardeyda Puntland taasoo mudane Gaas aqbaley.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM