​Madaxweynaha Puntland oo magacaabay 9 Wasiir [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu magacaabay Wasirro cusub oo qaybtood badaleen kuwo katirsanaa xukuumadda.

Xubnaha la magacaabay ayaa ah shakhsiyaad ku cusub siyaasadda walow qaar kamid ah xilal kasoo qabteen dowladda Somalia.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isku shaandhayn hoose oo Madaxweynuhu waday muddooyinkii dambe.

Wasiirrada Gaas magacaabay ayaa qaybtood waxay buuxiyeen xilal muddo bannaanaa oo ay kamid tahay wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu u magacaabay  Cabdikhadar Faarax Shaaciye wasaaradda  Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland oo aan kamid ahay wasaaradihii horey u jiray.

Lama oga sababta uu xilkan Madaxweyne Gaas usoo kordhiyay xilli muddo sannad iyo bar ah uga harsantahay muddo xileedka xukuumadda hadda joogta.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA IYO XUBNAHA CUSUB EE LA MAGACAABAY;

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM