Madaxweynaha Puntland oo markale dib u magacaabaya aqalka sare Barlamanka Somalia

Image

GAROWE,Puntland- Kadib markii Madaxweynaha dowlada Puntland ku dhawaaqey Oct, 8,2016 xubnaha musharaxiinta reer Puntland ee u tartamaya kamid noqoshada aqalka sare Barlamanka Somalia ayaa waxaa soo baxay diidmo ka timid ururada haweenka u dooda kuwasoo tageero ka heley guddiga doorashooyinka dadban Somalia iyo xafiiska  qaramada midoobey.

Talabada muranka keentey ayaa salka ku haysay iyadoo haweenka ku doodayaan in hoos looga dhacey qoonadadii ay ku lahaayeen aqalka sare ee  Barlamanka Somalia taasoo aheyd sadex kursi islamarkaana ku qorneyd heshiisyada loogu magacdarey madasha.

Arinta kale oo doodu ka dhalatey ayaa aheyd in kuraasta loo qoondeeyey dumarka aysan noqon kuwo ay kula tartamaan rag taasoo sida warsidaha Garowe online wararka ku helayo Madaxweyne Gaas aqbaley.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in kuraasta dib loogu noqonayo yihiin sadex kursi kuwasoo labo kamid ah horey dumarku ka ahaayeen hurmuud halka qofka xubinta gobolka Mudug kaga jirey aqalka sare lagu badalayo qof dumar ah.

Musharaxiinta gobolka Sool iyo Sanaag xubnaha beelahaas horey ula rabeen kursigaan ahaayeen Dumar balse la tartamayeen xubno rag ah iyadoo wararku sheegayaan in lagu badalayo haween kale.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in Yasiin Cabdi Seed oo magacaabistiisa horey muran u dhalisay aqalka sare ka soo galey gobolka Mudug ayaa waxaa kursigiisa ku tartami doona xubno dumar ah.

Seed oo horey u ahaan jirey Xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa wararku sheegayaan in lagu badali doono qof dumar ah taasoo noqotey xal iyadoo Madaxweyne Gaas iska ilaalinayo intii faragalin ku sameeyo qabaailka kale xubnahooda taasoo muran kale oo siyaasadeed keeni karta.

Cod u qaadista musharaxiinta u tartamaya aqalka sare ee Barlamanka Somalia ayaa la filayaa in doorashadooda ka dhacdo Aqalka wakiilada Puntland maalmaha Sabtida iyo Axada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM