Madaxweynaha Puntland oo markale u dhoofaya wadanka dibadiisa

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Gaas oo maanta hortagey aqalka Barlamanka Puntland ayaa la filayaa inuu markale maanta dalka dib uga ambabaxo  isagoo la sheegey inuu ku wajahan yahay dalka Imaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo aan horey loo shaacin ayaa wararka sheegayaan inuu ku biirayo Madaxweynayaasha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwasoo kulan ka dalbanaya ku sugan dalka Imaraadka Carabta.

Ambabixda Madaxweyne Gaas ayaa timid  kadib  markii maanta Barlamanka Puntland su'aalo adag waydiiyey kuwasoo kamid ahaayeen safarada joogtada ah ee uu ugu ambabaxayo dalka dibadiisa kuwasoo kharash badan galiya misaaniyada maamulkaan.

Wararka soo socda ayaa idinku soo gudbin doonaa safarkaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM