Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho u dhoofaya maalinta berri

Image

17 October, 2015 (GO)- Madaxweynaha dolwada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri ah u ambabaxo magaalada Muqdishu halkasso la sheegey inuu kaga qayb galyo kulan la sheegey in lagaga hadlayo doorashooyinka 2016.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda kulan horey loogu qabtey magaalada Muqdishu kaasoo ay qayb galeen madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka Somalia.

Kulankaan ayaa la sheegayaa in lagu daahfurayo wadaxaajood la rabo in laga galo qaabka ay u dhici doonto doorashooyinka la filayo in Somalia ka dhacaan sanadka 2016.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ka dhacey 19- 21 September kulan madaxda Federalka iyo maamulada dalka ka jira isugu yimadeen waxaana kasoo baxey warmurtiyeedyo is-khilaafsan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo la hadley saxaafada ayaa difaacey go'aamadii kasooo baxey kulankaas isaga oo isticmaaley kalmada ah in  shirkaas Puntland guul ka soo hoydey. Gaas Halkaan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM