​Madaxweynaha Puntland oo Muqdishu u dhoofay

Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka dhoofay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyagoo kusii jeeda caasumadda Somalia oo lagu qabanayo shir looga hadlay arrimaha Somalia iyo geedi socodka doorashooyinka 2016, kaasi oo socon doona labo maalin.

Gaas, ayaa kahor safarkiisa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay inuu ka qayb galayo kulankaasi oo ay imaan doonaan xubno kasocda golaha amniga ee Qaramada Midoobay, isagoo  tilmaamay inuu yahay shir muhiim u ah dalka Somalia iyo shacabweynaha ku dhaqan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay dhawaaan uu qabsoomi doono kulan looga hadlayo dastuurka Somalia, kaasi oo lagu qaban doono magalada Garowe, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay qaabkii la isaga kaashan lahaa hormarka iyo midnimada shacabka Somaliyeed, isagoo carrabka ku dhuftay inay diiradda saari doonaan qodobada khilaafku ka taagnaa.

Safarka madaxweyne Gaas, ayaa imaanaya xilli caasumadda dalka Somalia uu kasocdo shirar looga hadlayo hanaanka geedi socodka doorashada 2016, kaasi oo lasoo jeediyay in waxkabadal lagu samayn doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM