Madaxweynaha Puntland oo u amabaxey magaalada Galkacayo

Image

30 Nov, 2015 (GO)- Kadib markii kulan saacado badan socdey wada qaateen habeenkii xaley 29 Nov, 2015 waftigii madaxweynaha Jubaland hogaaminayey iyo madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in lagu heshiiyey in lagaga qayb galo magaalada Galkacayo kulan lagu daminayo colaada ka taagan magaalo madaxda gobolka Mudug.

Kulankaan oo la filayo in ay wada qataan guddiyo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa dhexdhexaadin doona wafuuda ay kala hogaaminayaan Ra'isal wasaaraha Somalia, madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira kulamada la filayo iney ka dhacaan magaalada Galkacayo.

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM