Madaxweynaha Puntland oo u amabaxey magaalada Galkacayo

Image

30 Nov, 2015 (GO)- Kadib markii kulan saacado badan socdey wada qaateen habeenkii xaley 29 Nov, 2015 waftigii madaxweynaha Jubaland hogaaminayey iyo madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in lagu heshiiyey in lagaga qayb galo magaalada Galkacayo kulan lagu daminayo colaada ka taagan magaalo madaxda gobolka Mudug.

Kulankaan oo la filayo in ay wada qataan guddiyo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa dhexdhexaadin doona wafuuda ay kala hogaaminayaan Ra'isal wasaaraha Somalia, madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira kulamada la filayo iney ka dhacaan magaalada Galkacayo.

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM