Madaxweynaha Puntland oo u safray Kismayo

Image

11 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Safarka Gaas ayaa salka ku haya ka qayb galka caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, Xildhibaano, Isimo iyo waxgarad ayaa ku wehelinayay safarkiisa, waxaana garoonka diyaradaha Galkacyo ku sii sagootiyay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo masuuliyiin kale.

Magalada Kismayo waxaa ku wajahan masuuliyiin kala duwan oo ka socda maamullada dalka, DFS iyo xubno ka socda beesha Caalamka kuwaasi oo ka qayb gali doona caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM