Madaxweynaha Somalia oo ka dagay garoonka Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe maanta kasoo dagay madaarka diyaaradaha  magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, xubno katirsan golayaasha dowladda, mas'uuliyiin heer federal iyo maamul ayaa kusoo dhaweyay garoonka isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa waxaa wehelinayay xubno katirsan dowladda iyo taliyaha ciidanka Somalia, wuxuuna ka qayb gali doonaan furitaanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo barri 08 January xarigga laga jari doono.

Soo dhaweyn kadib madaxweynaha oo la socday diyaarad ay leedahay shirka lagu magacaabo Fredom Air oo isago gooshta Bariga, Imaaraadka iyo gobollada Somalia ayaa ka mahadceliyay dhismaha Airport-ka Bosaso, wuxuuna sheegay inay degmadu ku socoto wadad hormarka isagoo rajeeyay inuu kusoo laabtan doono xilli wax walba u dhammaystiranyihiin.

Maanta kaliya waxaa degmada Bosaso soo gaaray afar diyaaradood oo waday mas'uuliyiin ka qayb galaya xafladda furitaanka.

Wufud tiro badan ayaa ku sugan Bosaso kuwaas oo dhawrkii maalin ee lasoo dhaafay kusii qulqulayay iyagoo doonayay inay ka qayb galaan furitaanka garoonka heerka caalami loo dhisay ee laga hirgaliyay xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM