Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Galkacyo tagay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

30 November, 2015(GO)-Wafdi ka kooban  Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, ku-xigeenkiisa, xubno Wasiirro iyo Xildhibaano labada dhinac ka socda ayaa maanta gaaray magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriirta xaaladda magalada Galkacyo iyo nabad laga gaaro shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Mudug.

Soo dhaaweyno kala duwan ayaa madaxda loogu sameeyay magaalooyinka Burtinle, Xarfo iyo Galkacyo, waxaa boqolaad dadweyne soo dhaweeyay wufuudda labada dhinac kula hadleen magalada Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Hogaamiyaasha ayaa sheegay inay qorshaynayaan qaabkii loogu gaari lahaa xal waara oo ku qotonta xaaladda magalada Galkacyo.

Intaas ka dib madaxda ayaa gaartay magalada Galkacyo oo safarkoodu ku qorshaynaa, waxaana afaafka hore magalada ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland iyo saraakiil kale, iyagoo ka dib kulan albaadu u xiranyahay la qaatay Islaan Bashiir oo gurigiisa ku booqdeen.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa loo gudbiyay halka ay ka dagayaan Galkacyo, iyagoo saxaafadda uga warbixiyay safarkooda.

Gaas, ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay nabad iyo dariswanaag isla markaan ku lug lahayn dagaalka Galkacyo ka dhacay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inay u soo kaceen sidii kaalin uga qaadan lahaayeen hishiisiinta dhex mara dhinacyada Galkacyo ku dagallamay, wuxuuna xusay inaysan dagaal u baahnayn magalada Galkacyo.

Wuxuu sheegay inay la kulmi doonaan dhinaca Galmudug maadaama is arkeen Puntland.
Wafdigan ayaa Galkacyo yimi xilli horay magalada ugu sugnaayeen dhinacyo ka socda dowladda

Federalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana galbata kulan wada qaadan doona wafdiga Garowe ka yimi iyo Ra'isal wasaare Sharmake.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM