Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada
GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu uu si khibrad iyo bisayl siyaasadeed leh ku wajihi doono isbeddellada ka socda dunida, kuwa gobolka iyo kuwa gudaha Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo xaalad adag oo dhinaca dowladnimada ah.
Isagoo ka hadlayay kulan loo qabtay qaar kamid ah dhalinyarada reer Puntland oo ka dhacay xarunta looga arrimiyo maamulka Puntland ee magaalada Garowe, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in khibradda iyo waayo-aragnimada ay Puntland soo dhaxashay tan iyo aasaaskeedii ay tahay midda hagaysa go’aannada hadda la qaadanayo, isla markaana aysan jiri doonin tallaabooyin ku saleysan caadifad.
“Somalia maanta waxay mareysaa xaalad adag, dowladnimadeeduna hadal ayay ku jirtaa, waana xaqiiqo jirta,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in doodaha sheegaya in dalku kala go’ayo ay saldhig u yihiin siyaasado khaldan oo ka imaanaya Dowladda Federaalka, taasoo dhalisay aragtiyo ku aaddan in laga baxo nidaamka hadda jira.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto Puntland isla markaana ay baadi-goobto Soomaali mideysan, isagoo xusay in tiirka Puntland ku taagan tahay uu yahay ilaalinta jiritaanka Soomaalida iyo raadinta midnimo ku dhisan wanaag iyo walaalnimo, balse aysan ahayn mid lagu keeno xoog iyo cadaadis.
Isagoo la hadlayay dhalinyarada kulanka isugu timid, Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin rabitaan iyo doorasho u gaar ah, isla markaana dhalinyarada Puntland looga baahan yahay inay ilaashadaan wacyigooda, su’aalana ka keenaan arrimaha taagan iyagoo la tashanaya dadka uga khibradda badan.
“Waxa hadda socda wax dalka u fiican ma aha, Puntlandna u fiican ma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isagoo su’aal geliyay in midnimo dal lagu keeni karo caay, hanjabaad iyo cadaadis siyaasadeed.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda Federaalka, xilli muddo xileedkeedu kooban yahay, isagoo sheegay in haddii la burburiyo dastuurkii heshiiska lagu ahaa aan laga hadli karin midnimo, maadaama meesha laga saaray saldhiggii midnimada lagu wada ilaalin lahaa.
Waxa uu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah u garnaqsadaan una wada hadlaan, isagoo xusay in Puntland ay horey u sheegtay in aan lagu ciyaari karin dastuurka. “Waan ka baxnay, waan ku sugaynaa marka aad dib ugu soo noqotaan,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday haddii isbeddellada dastuurka oo aan laga wada tashan dib looga noqon waayo ay Puntland bannaanka ka joogeyso wada shaqeyn ay la yeelato Dowladda Federaalka.
Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka ee hadda jirta aysan ku dhaqmin shuruucdii iyo qawaaniintii lagu heshiiyay ee Puntland qayb ka ahayd, hase yeeshee arrintaasi aysan micnaheedu ahayn in la nacay dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya. “Waa dadkeennii, waa ehelkeennii,” ayuu yiri, balse waxa uu ku eedeeyay maamulka hadda jira inuu ku shaqeynayo kala-qaybin, isku dir iyo abuurid mashaakil, halkii uu ka shaqeyn lahaa midnimo dhab ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Puntland ay mar walba ka qeyb-galeyso fagaarayaasha saxda ah ee wadahadalka, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii Kismaayo iyo mid kale oo loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in la qabto 20-ka bishan. “Haddii uu qabto waan tageynaa, haddii uusan qabanna waan iska joogeynaa, awalba waan joogney,” ayuu yiri.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haddii waqtiga laga sugayo heshiis Soomaaliyeed uu dheeraado, dastuurkuna sii wiiqmo, ay Puntland ka fiirsan doonto tallaabooyin kale, balse dhammaan tallaabooyinkaasi ay noqon doonaan kuwo sharci ah, kana fog caadifad.
GAROWE ONLINE