Madaxweyne Deni oo kormeer ku tagay Wasaaradda Deegaanka

Image
Madaxweynaha ayaa dhagaystay warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta Wasaarada.

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay Wasiirka Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada Wasaaradda, isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, iyo doorka Wasaaradda ee ku aadan sidii Puntland ula jaanqaadi lahayd dadaalada adduunka ka socda ee lagula tacaalayo saameynta isbedelka Cimilada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan, la dagaalanka nabaadguurka iyo xaalufka iyo muhiimad siinta Isbedelka Cimilada.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM