Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Image

GAROWE – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii mar kale caddeeyey in maamulkiisu uusan ogolaan doonin mashaariic horumarineed oo leh ajande siyaasadeed in laga hirgeliyo gudaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayey furitaanka buundo cusub oo $5 milyan ah oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka, ayaa adkeeyey in dhammaan mashaariicda horumarineed ay waajib tahay in loo maro habraacyo sax ah isla markaana ay dhab ahaantii u adeegaan danaha shacabka Puntland.

“Mararka qaar waxaan maqlaa in Puntland ay mashruuc diiday. Haddii uu yahay mashruuc aan lahayn ujeedo cad ama lagu dhaawacayo sumcadda Puntland, waan diidnaa. Tani waa in la fahmaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in qaar ka mid ah mashaariicda la doonayo in la dhaqan geliyo ay yihiin kuwo musuq-maasuq ku dhisan, loona adeegsanayo dad Puntland kasoo jeeda balse fadhigoodu yahay Muqdisho, si ay u adeegsadaan hay’adaha federaalka ujeeddooyin siyaasadeed dartood.

Hadalka Deni ayaa imaanaya xilli ay isa soo tarayaan eedeymaha mucaaradka uga imaanaya, kuwaas oo ku eedeeyey in uu carqaladeeyey mashaariicda horumarineed ee dowladda federaalka, oo ay kamid tahay dhismaha waddada muranka dhalisay ee Xarfo-Galkacyo, taas oo sababsatay rabshado ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Khadka khilaafka ayaa muujinaya xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaybsiga kheyraadka, maareynta mashaariicda, iyo madax-bannaanida siyaasadeed. Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM