Madaxweynihii hore ee Puntland ka hadlay arimaha Somalia [Dhagayso]

Image

24 September, 2015(GO)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo ka qayb galay munasabad ciidul Adxa oo ka dhacday Garowe, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira siyaasadda Somalia iyo colaad ka dhacday deegaanka Qorilay ee gobolka Sool.

Faroole ayaa sheegay in loo bahanyahay sidii loo damin lahaa dagaalka ka socda deegaanada ku yaalla xuduudda Puntland iyo dalka Ethopia, iyadoo iskaashi laga samaynayo.

Waxuu ugu baaqay in Puntland iyo Dowlad deegaanka Somalida Ethopia u istaagaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaata deegaanka Qorilay, maadama dagaalku uusan lahayn wax faa'iido ah.

Shakhsiyaadka ku lug leh colaadda ayuu xukuumadda ugu baaqay inay gacanta ku dhigaan isla markaana si deg deg ah loogu hawl galo.

Arrimaha Somalia ayuu madaxweyne Faroole soo hadal qaaday, waxaana uu sheegay in DFS ku fashilantay hogaaminta dalka, isla markaana ku mashquushay sidii looga shaqayn laha khilaafka umadda Somaliyeed iyo maamullada dhismay.

Waxuu soo jeediyay hadii madaxweyne Xasan Sheekh ku adkaatay talada Somalia inuu is casilo, maadama loo baahanyahay hormar iyo waxqabad, oo uu sameeyo sidii uu yeelay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, maadama sida uu hadalka u dhigay aysan ahay dhibaato.

Doorashada Somalia iyo qaabka loo wado ayuu ka hadlay, waxaana uu tilmaamay inay doorasho dalka ka dhicin karto hadii si wanagsan looga shaqeeyo isla markaana laga fogaado khilaafka.

Puntland ayuu u soo jeediyay inay ka qayb qaataan sidii ay uga tashan lahaayeen danahooda, maadama uu mira dhali waayay dadaalo socday muddo dheer oo lagu doonayay xalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM