Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u safrey Itoobiya

Image

December 14, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa dalka Itoobiya ayaa saaka ka dhoofay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gaas oo warbaahinta la hadlay waxyar kahor intii uusan Garowe ka duulin, wuxuu si kooban uga warbixiyey ujeedada socdaalka uu Itoobiya ku tegeyo iyo weliba muddada uu qaadan doono.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xarunta Itoobiya ee Addis Ababa uu kulmo kula yeelanayo mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda Itoobiya iyo weliba diblumaasiyiin ka soca beesha caalamka.

Qodobada ugu muhiimsan ee madaxda Itoobiya iyo wafdiga Puntland ka wada hadli doonaan mar wax laga weydiiyey wuxuu sheegay inay kamid yihiin: xoojinta xiriirka labada dhan iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacayda ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland ayaa safaro isdaba joog ah ku taga wadanka Ethiopia iyada oo wararku sheegayaan inuu halkaas kulamo kula qaato madaxda hay'da Africa Oil.

Booqashada Gaas ee Itoobiya oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah waa tii afraad ee uu halkaas ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey bishii January ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM