Madaxweyne Gaas oo agaasime u magacaabay hay'adda daryeelka bulshada

Image

22 November, 2015(GO)-Waraaq ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa agaasime loogu magacaabay hay'adda daryeelka bulshada Puntland.

Xilkan ayaa loo magacaabay Axmed Maxamed Muuse Dhafuuje oo ka mid ah dadka ka soo laabtay dalka Maraykanka mudana ku sugnaa deeganada Puntland.

Dhafuuje oo ka tirsanaan jiray ciidanka cirka Somalia ayaa darajo ahaan gaaray Gaashaanle sare.

Agaasimaha hay'adda daryeelka bulshada Puntland,ayaa horay u ahaa Cabdirsaaq Dayib oo sannadkii hore xilkaasi loo magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM