Madaxweyne Gaas oo barri ku wajahan Bosaso

Image

18 January, 2016(GO)-Waxaa barri 18 January, magalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku wajahana wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhawrkii cisho ee tagay kusugnaa Kismayo.

Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galay madasha looga hadlayay ayaaha Somaliya iyo habraaca doorashada 2016, kaasoo natiijo la'aan soo gaba-gaboobay.

Madaxda ayaa isku afgaran waayay qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada imaan doona iyo dhismaha aqalka sare oo Puntland iyo Jubbaland soo jeediyeen in laga saleeyo deegaan, halka dowladda Federalka iyo maamullada la jira ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somalia ku taliyeen in si siman loo qaybsado Xildhibaanadana lagu soo xulo 4.5.

Madaxweynaha Cabdiwali ayaa madasha ka sheegay in mowqifkiisu cadyahay shacabka Puntland-na ay doonayaa in deegaan lagu soo doorto Xildhibaanada, kadib markii 6 magaalo aragti aruurin laga sameeyay.

Dood dheer kadib ayaa la isku afgaran waayay xalka Somalia iyo doorashada dhici doonta, waxaana beesha caalamka horay u sheegtay inaysan jiri doonin mudo kororsi ay samayso dowladda Somalia.

Shirka Kismayo ayaa ahaa madasha kaliya ee shacabka Somaliyeed ku hanweynayeen inay kasoo baxaan natiijo wanaagsan oo lala tago dalka Turkiga bisha soo socota.

Macadda goorta la isu soo laaban doono iyo halka uu ka dhici doono kulan Ra'isal wasaaraha Somalia sheegay in la isugu imaan doono, si loo helo mowqif cad oo ku aadan habraaca doorashada Somalia 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM