Madaxweyne Gaas oo booqanaya xerada ciidamada Badda Puntland

Image

BOOSAASO-  Kadib markii maalintii shalay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya  in dowlada Imaraadka Carabta tageerada kala noqotey ciidamada Badda Puntland ayaa wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in maanta saldhiga ciidamadaan ku leeyihiin magaalada Boosaaso uu booqanayo Madaxweyne Gaas.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in saldhiga ciidamadaan uu ka socdo diyaargarow loogu jiro soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland iyadoo la filayo in halkaas saxaafada kula hadlo.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu u xaqiijiyo shacabka iyo ciidamada Badda Puntland in tageerada dowlada Imaraadka siiso ciidamadaan sii soconeyso iyadoo dadku degan maamulkaan abaal gaar ah u hayaan wadankaan ay walaalaha yihiin.

Xiriirka dowlada Federaalka iyo Imaraadka u dhexeeya ayaa gaarey heerkii ugu hooseeyey kadib markii mowqifkii dhexdhexadaka ay ka qaadatey Soomaaliya khilaafka Khaliijka ay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya kuwasoo  wada shaqeyn dhow la leh Doha u badaleen in lagula dagaalamo Abu Dhabi.

 GAROWE ONLINE 

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM