Madaxweyne Gaas oo booqasho ku tegey deegaanka Karin

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 5, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tegey deegaanka Karin oo qiyaastii 30km dhanka koonfurta magaalada Bosaso kaga beegan.

Booqashada Gaas ee Karin ayaa timid kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay bulshada deegaanka oo  iyagu todobaadkii hore Madaxweynaha ka codsaday inuu soo booqdo.

Si diirran ayaa wafdigaas oo ay ku jireen xubno ka tisan golaha wasiirrada, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada ah halkaas loogu soo dhoweeyey, waxaana intaas kadib qado-sharaf loogu sameeyey geed Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Soomaaliya AHN Cabdulaahi Yuusuf Axmed u bixiyey magaca (Canjeel Talo Helay).

Geedka waxaa 11 sano kahor xiligaasoo ku beeganaa markii heshiiska laga gaarey murankii ka dhashay madaxtinimada Puntland lagu casumay wufuud ay kala hogaaminayeen Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.

Isimada, waxgaradka, iyo aqoonyahanka beesha Karin ayaa Cabdiweli Gaas ka codsaday inuu degmo usoo magacaabo Karin oo iyadu ah tuulo dadka ku nooli beeraley u badan yihiin islamarkaana taariikh ahaan la fac ah magaalaa Bosaso.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey codsigaas wuxuu sheegay in dowladdu tixgelineyso codsiga bulshada deegaanka Karin soo gudbisatey, haseyeeshee si degmo loogu magacaabo ay lagama maarmaan tahay in la helo waxyaabo badan oo la'aantood aan degmo loo aqoonsan karin.

Shalay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu dhagax dhigay dhismaha Runway-ga garoonka diyaaradaha Bender Qaasim ee magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM