Madaxweyne Gaas oo Bosaso ka dagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta kasoo dagay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari xilli uu ka qayb galay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdishu.

Gaas oo war-baahinta kula hadlay xarunta ganacsiga Puntland, ayaa faah faahin ka bixiyay safarkiisa Xamar iyo doorashadii 08 bishan ka dhacday caasumadda Somalia.

Wuxuu xusay in socdaalkiisa Muqdishu la xiriiray doorashada Somalia, taasoo uu tilmaamay inay waajib ahayd ka qayb galka Puntland isbadalkii ka dhacay dalka.

"Dabcan dowladda Puntland oo kamid ah xubnaha ugu muhiimsan dowladda Federaalka Somalia, waajib bay ahayd inay tagaan ka qayb galaan, kor joogtayno isbadalkaas oo saamayn weyn runtii ku yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka," Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa xusay in ka Puntland ahaan ay ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeeyaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana rajaynajaayn inuu dhakhso ku yimaado deegaanada Puntland.

"Hadaan Puntland nahay, waxaana ballan qaadnay oo madaxweynaha cusub ka ballanqaadnay inaan si dhow ula shaqaynayno, wixii talo iyo tusaale ah oo aan ku biirin karno ku biirino, kuna soo dhawayno waqtiga ugu dhow inuu ku yimaado Puntland," Sidaas waxaa sheegay mudane Gaas.

Dhinaca kale wuxuu shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee maamulkaasi General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde) oo Arbacadii lasoo dhaafay ku dhintay dalka Imaaraadka, wuxuuna sheegay inay aas qaran maalinta Talaadada ugu samayn doonaan magaalada Bosaso.

Imaanshaha Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ay ka jirto deegaanada Puntland taasoo isugu jirta abaaro iyo amni xumo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM