​Madaxweyne Gaas oo dhisaya golaha deegaanka Dangoroyo

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta tagay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Safarka madaxweynaha oo ay ku weheliyaan Xildhibaano, xubno katirsan golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Nugal, ayaa salka ku haya dhismaha gole deegaan oo degmadaas yeelato.

Socdaalka Gaas, ayaa yimid kadib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ku fashilmeen inay xalliyaan khilaafaad soo kala dhexgalay murashaxiin u loollamaysay duqa degmadaas oo saamayn ku yeeshay Xildhibaanada golaha deegaanka Dangoroyo.

Madaxweyne Gaas oo saaka xilli hore degmada tagay ayaa qorshuhu ahaa in galinka hore lasoo afmeero doorashada, balse waxaa wararku sheegayaan inaan wali xal laga gaarin qancinta dadka tabashooyinka horay u qabey.

Wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay odoyaasha degmada iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan isagoo kala hadlay sidii loo dhismaha golaha deegaanka degmada islamarkaana la isaga dhaafi lahaa khilaafaadka jira.

Majirto ilaa hadda xal arrintaasi, laga gaaray, balse mas'uuliyiin ku sugan Dangoroyo, ayaa GO u sheegay inay ka rajo ka qabaan xal laga gaaro khilaafaadka hareeyay dhismaha golaha.

Jagada Guddoomiyaha degmada Dangoroyo, waxaa u loollamay labo Murashax oo qura, waana ku salka ku hayo khilaafka jira.

Ragga tartamaya, ayaa lagu kala magacaabaa; Mukhtar Cabdiraxmaan iyo Cabdiqaadir Siciid Cukaash.

Waxaa tirada Xildhibaanadu iminka marayaan 27 mudane, halka ay xaq u lahayd 21.

Dangoroyo, waa degmada kaliya ee gobolka Nugal aan lahayn gole deegaan in muddo ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM