Madaxweyne Gaas oo diidey in AMISOM la keeno dhulka Puntland

Image

07 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland oo Talaadadii 04 August,2015 la hadley wakaalada wararka Reuters ayaa sheegey in caawinaad ka rabaan dowlada Federaalka iyo AMISOM si looga guuleysto dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Golis.

Ururka Al-shabaab oo laga saarey inta badan magaalooyinka waaweyn ee ku yaal Koonfurta Somalia iyo qaybo ka tirsan gobolada dhexe ayaa maleeshiyaadkiisa waxay gabaad ka dhigteen buuraleyda Galgala kuwasoo ku dhow magaalada ganacsiga ee Puntland "Bosaso".

Ciidamada AMISOM oo tageero dhaqaale ka hela wadamada galbeedka oo raba kooxda xiriirka dhow la leh Al-qacida islamarkaan raba iney af-gambiyaan dowlada Federaalka, in laga saaro dalka Somalia.

" Uma baahnin ciidamada AMSIOM sababtoo ah ciidamada Puntland ayaa la dagaalami kara ururka Al-shabaab" ayaa madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo la hadlaya Reuters yiri. " Balse waxaan u baahanahay qalab ciidamo sida Isgaarsiinta, gadiidka dagaalka, hubka iyo rasaasta."

"Waxa kaliya aan ka rabno AMISOM waa intaas islamarkanaa aan xaqa u leenahay", ayaa Gaas yiri Talaadadii. "Maxaa ciidamada Muqdishu loo tageera kuwa Puntland aan loo taageerin? "Tani waxay ku tuseysaa cadaalad darada dowlada Federaalka ah."

Qorshe lagu qalabeynayo islamarkaana lagu tababarayo 3000 oo ciidan ah waxaa uu ahaan lahaa mid wax weyn kusoo kordhiya Puntland balse ma aha mid wax ka hirgaleen, ayuu shegeey madaxweyne Gaas isagoo hadalkiisa sii wata.

Dowlada Somalia oo ka jawaabtey eedeynta madaxweynaha Puntland ayaa warsidaha Reuters u sheegtey in wajibaadkooda kasoo baxeen.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo horey u ahaan jire Ra'isal wasaare xiligii Somalia ka baxeysay KMG ayaa wel-wel ka muujiyey hurumarka siyaasada laga gaarey.

Madaxweynaha dowlada Federalka Somalia ayaa bishii lasoo dhaafey gabi ahaanba laaley nidaamkii doorasho ee 2016 la filayey in shacabka Somalia ku soo doorto madaxdooda taasoo mugdi galisay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

REUTERS + GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM