Madaxweyne Gaas oo Ethiopia ku wajahan

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la qorshaynayaa inuu barri 15 April, 2016, u amba-baxaan magalada Addis Ababa xarunta dalka Ethiopia.

Safarka Gaas ayaa la xiriira ka qayb galka shir looga hadlayo ganacsiga iyo dhaqalaha Afrika, waana shir sanadle ah oo la filayo inay kasoo qayb galaan madaxda qaaradda qaybtood.

Madaxweynaha waxaa socdaalka ku wehelinaya wasiirka ganacsiga Puntland iyo xubno kale, waxaana la filayaa inuu qaato saddex bari sida ay sheegayaa wararka uu warsidaha Garowe Online ka helayo madaxtooyada Puntland.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas shirkan oo kale ka qayb galay isagoo ka jeediyay khudbad uu uga hadlay dhaqaalaha iyo hormarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo la qaato madaxda dalkaasi si ay uga wada hadlaan arrimaha Somalia iyo hishiiskii dhawaan ka dhacay magalada Muqdishu, kaasi oo beesha caalamku ka maqnayd.

Gaas ayaa safarkan aadaya xilli uu kasoo laabtay dalkaasi bishii hore ee March xilligaas oo la kulmay mas'uuliyiinta Ethiopia qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM