​Madaxweyne Gaas oo Ethiopia u dhoofaya

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed ayaa maanta lagu wadaa inuu u dhoofo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaan la ogayn wuxuu salka ku hayo, balse warar laga helay saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono madax waddankaasi iyagoo kawada hadli doono xaaladda Somalia is kaashi laga sameeyo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu goordhow warbaahinta kula hadlo garoonka diyaaradaha Canoco halkaasoo ku suganyihiin xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka, degmada iyo xubno katirsan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Socdaalka Gaas ayaa imaanayo dhawr maalin kadib markii uu kasoo laabtay shirkii madasha  ee lagusoo gaba gabeeyay magaalada Muqdishu kaasoo looga hadlayay arrimo khuseeeya doorashada waddanka.

Dhawr jeer oo hore ayaa madaxweyne Gaas safarro kala duwan uga baxay dalka Ethiopia, wuxuuna kusoo aaday xilli madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu todobaadkii hore tagay magaalada Jig jiga ee xarunta ismaamulka Somalida Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM