Madaxweyne Gaas oo furey shirka wadatashiga [Dhageyso]

Image

25 August, 2015 (GO)- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug saaka waxaa ka furmay shirka wadatashiga  Puntland kaas oo socon doona muddo 5 bari ah.

Dhageyso khudbada madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed "Gaas" oo furay shirkaasi ayaa ku dheeraaday muhiimada shirkaasi iyo sababta loo qabtay.

"Mudanayaal iyo Marwooyin, aad ayaan ugu faraxsanahaya inaan idin kala soo qayb gallo shirka wadastashi Puntland oo maanta furmo, waxaan doonayaa inaan iftiimiyo qodabo aan is leeyay waa ugu muhiim san yahay Shirka maanata.

1.    Maxaa idiin hirgalay 
2.    Maxaase idiin hirgali waayay
3.    Iyo Sababta uu san u hirgalin 


Madawayne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa ku dheeraaday ka hadalka Xaalada Soomaaliya iyo heerarka kalla duwan ee soo martey  marka laga soo bilaabo 1960-dii xilligaas oo dalkeena xornimada qaatey.

Garoweonline ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaysa inay si Toos ah (Live) ula socod siin doonta shirka wada tashiga Puntland 5-ta maalin uu socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM