Madaxweyne Gaas oo Gaaray Ethiopia, kulanna la qaatay Tedros

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gelinkii hore maanta [15-April-2016] ka amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa gaaray caasumadda dalka Ethiopia Addis Ababa, isagoo kulan gaar ah la qaatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom, waxayna kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada labada dhinac iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday waxaa uu u amba baxay magaalada Bahar Daar ee waddankaas, halkaasoo maalinta berrito uu ka furmi doono shirka TANA FORUM ee diiradda lagu saari doono xaaladaha amni iyo dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Madax badan oo ka kala imaan doonta waddamada qaaradda Afrika, waana shir sannadle ah oo lagu soo bandhigo isbedellada dhaqaale, nabad-gelyo gobolka, caqabadaha taagan iyo qorshayaasha cusub ee la doonayo in la gaaro sannadka soo socda.

Kulankan aya sidoo kale waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa xaaladda waddamada ay ka jiraan colaadaha dabada dheeraaday sida Somalia oo uga qayb galayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gaas ayaa barri shirkaasi ka jeedin doona khudbad dheer oo uu kaga hadli doono xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dalka, gaar ahaan koboca dhaqaale ee ka jira Puntland iyo horumarka dardarta ku soconaya  kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale baahiyaha amni iyo dhaqaale ee Puntland iyo Soomaaliya.

Waa sannadkii saddexaad ee shirka TANA FORUM lagu qabto magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia, isla markaana waa sannadkii saddexaad ee uu ka qayb galo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM