Madaxweyne Gaas oo hambalyo diray [Dhagayso]

Image

GAROWE- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26-Jun-2016 diray hambalyo ku aadan 56-sano guuradii kasoo wareegtey markii gobollada Woqooyi ee dalka Soomaaliya xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Gaas ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay madaxtooyada Puntland ee Garowe, wuxuu xusay in 56-sano ka hor ahayd maalintii ugu horraysey ee ciidda Soomaaliyeed laga taago calanka waddanka oo xor ah.

“Waxaan maanta halkaan hambalyo uga diyarayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu hambalyaynayaa 26-Jun-1960 oo ah maalintii ugu horraysey ee calan Soomaaliyeed la taagey, waa maalin farxad leh, waana maalintii ay ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Woqooyi ee dalka ay ka xorowdey gumeystihiin Ingiriiska...Maalintani waa maalin qiime weyn inoogu fadhida dhammaanteen haddaan Soomaali nahay,waana bilawgii dawladnimo Soomaaliyeed oo dhab ah,” Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ALLE uga baryay inuu usoo heliyo dowladnimadii iyo karaamadii ay kulaayeen caalamka.

Hambalyo taa lamid uyuu hawada u mariyey dalka Jabuuti oo iyaguna berri 27-Jun-1960 u dabaal dagaya maalintii ay xorriyaddooda ka qaateen  Gumeystihii Faransiiska, isagoo ALLE uga baryey in uu sannadka sannadkiisa barwaaqo iyo horumar ku gaadhsiiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM