Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay shirka Tana Forum

Image
Image

GAROW, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta 22 April 2017 magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya kaga qayb galay shirka sannadlaha ah ee Madaxda Afrika (Tana High Level Forum), kaasoo kalkan looga hadlayo dhaqaalaha, amniga iyo khayraadka dabiiciga ah ee qaarada Africa.

Shirka oo saaka ka furmay magaalada Bahar daar, ayaa kasoo qayb galay madax ka kala timid dalalka ay ka kooban tahay Afrika iyo wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka jeediyay  khudbad uu diiradda ku saaray; xaaladaha Amni, tan dhaqaale iyo khayraadka dabiiciga ah ee alleh ku manaystay geyiga Soomaalida gaar ahaan Puntland.

Wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday arrimaha kobaca dhaqaalaha Puntland iyo doorka xukuumadda uu hogaamiyo.

Amniga ayuu sidoo kale carrabka ku dhuftay wuxuuna sheegay inay mar walba dadaal ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro ee kooxda Al Shabaab.

Gaas ayaa soo hadal qaaday abaarta ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay inay u baahantahay wax ka qabasho baaxad leh maada ay dadka iyo duunuyaduba dhimanayaan.

 Shirka Tana High Level Forum ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaana la rajeynayaa in lasooo afmeero maalinta Axadda isla markaana ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM