Madaxweyne Gaas oo kala diraya golaha degaanka degmada Eyl

Image

July 22,2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey inuu socdo qorshe madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas damacsan yahay inuu ku kala diro golaha degaanka degmada Eyl.

Golaha degaanka degmada Eyl oo aan wax is-qabqabsi ah dhexdooda ka jirin ayaa waqtigooda doorashada kaga egyahay sanadka soo socda bishiisa Jun,2016.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo lagu raadinayo in lagu magacaabo wareegto gudoomiye degmo ee cusub uu ka socoto xafiiska madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa horey u kala direy inta badan golayaasha degaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland marka laga reebo golaha degaanka degmada Qardho.

Dhismaha golayaasha degaanka degmooyinka Garowe iyo Bosaso oo madaxweyne Gaas kala direy dhowaan ayaa muddadii 45 cisho aheyd ee uu u qabtey la dhaafey iyadoo aysan socon dhaqdhaqaaqyo lagu soo dhisayo maamuladaas.

Dhismaha iyo jiritaanka golayaasha degaanka Puntland ayaa qodob muhiim u ah madaama mashaariicda horumarineed ee hay'adaha caalimaga bixiyaan ku xiran tahay. HALKAN KA AKHRI

Dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwa degan degmaooyinka Garowe iyo Bosaso ayaa hadal haya dib u dhac ku yimid dhismaha golayaasha degaanka dhowaan la-kala direy iyagoo wax iska waydiinaya halka ay ku dambeynayn doonaan mashaariicdii horumarineed ee ka socdey magaalooyinkas kuwasoo hakad ku jira.

GAROWEONLINE kal soco wararka la xiriira ka warqabka dhismayasha golayasha degmooyinka Puntland.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM