Madaxweyne Gaas oo la kulmay Danjire Keating

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la qaatay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Kulanka labada mas'uul oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, waxaa lagu sheegay inay kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin; shirka Amniga qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho, sidii looga qayb qadan laha adkeynta Nabadgalyada dalka iyo in la helo ciidan qaran oo AMISOM kala wareega howsha ay u hayaan Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Gaas uu Danjiraha u sheegay in Puntland diyaar u tahay kana shaqayn doonto sidii lagu heli lahaa dowladnimo Soomaaliyeed.

Labada mas'uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorashada la filayo inay Puntland ka dhacdo sannadka dambe iyo sidii loo gaari lahaa Nidaamka Dimuqraadiyadda, waxayna isku afgarteen inay ka shaqayn doonaan qorshe kasta oo dhabaha u xaaraha in laga guuro nidaamka ku salaysan qabiilka.

Danjire Keating ayaa dhankiisa kulankaas diiradda ku saaran arrimaha amniga, isagoo soo hadal qaaday dedaallada nabadeed ee laga sameeyay colaadda gobolka Mudug, wuxuuna soo jeediyay in la helo jadwal saamaxaya in dadka halkaas kuwada nool ay helaan xasilooni iyo hormar.

Dhinaca kale waxaa xumaa xiriirka Qaramada Midoobey iyo Gaas tan iyo intii diyaarada hay'adaas diidey iney qaado waftiga Madaxweynaha Puntland uu hogaaminayey oo ku wajahnaa magaalada Dhuusomareeb kadib markii ay diideen iney racaan shuruucda u dagan gadiidka cirka UN-ka kasoo ah in jirkooda la baaro rakaabka raacaya.

Warsidaha GO ayaa fahansan sidoo kale in Madaxweynaha Puntland aad ugu xumaadey warbixin wakiilka QM ee Soomaaliya uu siiyey golaha amniga taasoo diirada saareysay colaad u dhexeysa Puntland iyo Somaliland. Wakiilka ayaa ka gaabsadey in uu cambaareeyo maamulka Somaliland oo isagu lahaa weerarka tuulada Tukaraq. 

Kulanka Gaas iyo Keating ayaa kusoo beegmay xilli xiisad colaadeed ay ka taagantahay gobolka Sool taasoo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, waxaana bishii hore Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, iyagoo kawada hadlay sidii loo joojin lahaa dhiig ku daata gobolkaas, wuxuuna markii dambe kusoo dhammaaday is-fahamwaa. Lama oga in Madaxweyne Gaas iyo Keating kawada hadleen xaaladda Sool iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM