Madaxweyne Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay Doorashada 2019

Image

GAROOWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwelii Maxamed Cali “Gaas”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada sanadka 2019, xilli laga digayo inuu mudo korarsi sameeyo.

Isagoo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa Madaxweyne Gaas sheegay in Doorashada Puntland la qaban doono waqtigii loogu tala galay, oo ah bisha January ee sanadka 2019.

Mar la waydiiyay inuu musharax yahay, ayuu Madaxweynaha ku jawaabay in arintaasi uu dib ka sheegi doono, isagoo beeniyay geesta kale wararka sheegay inuu damacsan yahay mudo korarsi inuu sameysto marka uu waqtigiisa dhamaado.

“Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in aan doonayo mudo korarsi, anigu ma lihi awood aan taas ku sameeyo, doorashadana waqtigeeda ayay dhici doontaa oo ah 8-da January 2019,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madasha Puntland Focus Group, oo ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiin qaarkood xilal horey uga soo qabtay Puntland ayaa dhawaan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ku eedeeyay in ay damacsan tahay mudo korarsi sharci darro ah.

Siyaasiyiinta ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga doorashada, taasi oo ay sheegeen inay keeni karta deganaansho la'aan siyaasadeed iyo kacdoon shacab, iyagoo dhanka kale ugu baaqay Madaxweynaha inuusan mudo korarsi sameynin.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa imaanaya xilli magaalada Garoowe ay kulan ku yeelanayaan dhawaan Madaxda dowlad goboleedyada dalka, ee sanadkii tagey ku midoobay Shirkiii ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo.

Wararka hoose ee uu Warsidaha Garowe Online uu helayo ay sheegayaan in Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada ay kawada hadli doonaan arrimo uu kamid yahay sidii doorasho isku mar uga dhici lahayd Soomaaliya, taasi oo ay ku hoos jirto mudo korarsi ay madaxdan ay raadinayaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM