​Madaxweyne Gaas oo booqasho ku tagay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray degmada Qardho gobolka Kar-kaar kadib safar uu saaka kaga soo amba-baxay xarunta ganacsiga Puntland Bosaso. 

Madaxweynaha oo kusii jeeda magalada Garowe ayaa ku hakaday Qardho isagoo kulan kula yeeshay madaxtooyada degmadaas; cuqaal, nabadoonno, maamulka gobolka iyo kan degmada. Waxaana Kulankaas ku saabsanaa xog-waraysi ku aadan xaaladda guud ee nabad-gelyada gobolka iyo maashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo Qardho, waxayna u sheegeen dadka uu lakulmay inay xaaladdu wanaagsantahay, mashaariicduna meel wanaagsan marayso. 

Wafdigan ayaa kulan qado ah ku leh xarunta madaxtooyada xarunta gobolka Kar-kaar, kaasoo ay la qaadan doonaan waxgaradka magalada, balse lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee kawada hadli doonaan. 

Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta la filayaa inay yimaadan magaalo madaxda Puntland Garowe, waxaana safarkan imaanaya xilli magalada Bosaso dhawaan rabshado dad lagu laayay ka dhaceen islamarkaana la sheegay in Puntland dhawaan imaan doonaan wafdi kasocda beesha caalamka iyo dowladda Federalka Somalia kuwaas oo ujeedkooda lagu sheegay arrimaha doorashada Somalia iyo go'aanka Puntland qaadatay. 

Madaxweyne Gaas weli kama hadlin xaaladda magalada Bosaso iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay, balse wuxuu kulamo hoose la qaaday qaar kamid ah waxagaradka xarunta gobolka Bari, gaar ahaan kuwa uu kasoo jeedo gudoomiyihii hore Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, kaasoo dowladdu ku eedaysay inuu ka dambeeyay arrinta magaaldaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM