​Madaxweyne Gaas oo booqasho ku tagay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray degmada Qardho gobolka Kar-kaar kadib safar uu saaka kaga soo amba-baxay xarunta ganacsiga Puntland Bosaso. 

Madaxweynaha oo kusii jeeda magalada Garowe ayaa ku hakaday Qardho isagoo kulan kula yeeshay madaxtooyada degmadaas; cuqaal, nabadoonno, maamulka gobolka iyo kan degmada. Waxaana Kulankaas ku saabsanaa xog-waraysi ku aadan xaaladda guud ee nabad-gelyada gobolka iyo maashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo Qardho, waxayna u sheegeen dadka uu lakulmay inay xaaladdu wanaagsantahay, mashaariicduna meel wanaagsan marayso. 

Wafdigan ayaa kulan qado ah ku leh xarunta madaxtooyada xarunta gobolka Kar-kaar, kaasoo ay la qaadan doonaan waxgaradka magalada, balse lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee kawada hadli doonaan. 

Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta la filayaa inay yimaadan magaalo madaxda Puntland Garowe, waxaana safarkan imaanaya xilli magalada Bosaso dhawaan rabshado dad lagu laayay ka dhaceen islamarkaana la sheegay in Puntland dhawaan imaan doonaan wafdi kasocda beesha caalamka iyo dowladda Federalka Somalia kuwaas oo ujeedkooda lagu sheegay arrimaha doorashada Somalia iyo go'aanka Puntland qaadatay. 

Madaxweyne Gaas weli kama hadlin xaaladda magalada Bosaso iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay, balse wuxuu kulamo hoose la qaaday qaar kamid ah waxagaradka xarunta gobolka Bari, gaar ahaan kuwa uu kasoo jeedo gudoomiyihii hore Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, kaasoo dowladdu ku eedaysay inuu ka dambeeyay arrinta magaaldaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM