​Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Jabuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magalada Jabuti ee xarunta Djabuti, halkaas oo dhawaan ka dhici doonto caleema saar ku aadan dib u doorashada madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle.

Safarka, waxaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno katirsan dowladda.

Ka hor intuusan ka dhoofin magalada Bosaso, wuxuu la hadlay Cabdiwali Maxamed Cali warbaahinta isagoo uga warbixiyay safarkiisa, wuxuuna tilmaamay inuu ka qayb galayo caleema saarka Geelle, kadib markii uu helay casuumad.

Gaas, ayaa intaasi raaciyay in labada xukuumadooda ka dhaxeeyo xiriir walaalnimo, saaxiibtinimo, Soomaalinimo iyo mid Islaannimo, sidaasi darteed ka qayb galka caleema saarka sare u qaadayso xooggin calaaqaadkaasi.

Madaxweynaha ayaa dhoofey xilli Puntland ka jiro jirto xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah, waxaana maanta markale ka dhacay Garowe dibadbax looga soo horjeedo sicir barar ku yimi maciishadda iyo sarrifka lacagaha qalaad, taasoo sabab looga dhigay lacago dalka lagu daabacay oo suuqyada ku faafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM