​Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Masaajid laga dhisay Madaxtooyada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa maanta oo jimce ah 31 March 2017 si wada jir ah  xariga uga jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha xarunta Madaxtooyada Garowe.

Masaajidkan oo loogu magac-daray Shuhadaa, ayaa waxaa dhagax dhigay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole 16-8-2013.

Kharashka lagu dhisay ayaa kala bar waxaa bixiyay culimada magaalada, halka dowladdu lafteeda door-weyn ku lahayd dhammaystirka Baydka EEBBE.

Sheekh Cabdiqani Qorane oo ahaa Injineerka dhisay masaajid ayaa ka waramay marxaladihii lagasoo maray dhismaha Masaajidka, wuxuuna akhriyay shakhsiyaadkii lagacaha ugu deeqay isagoo ALLE uga baryay inuu ka ajarsiiyo.

Madaxweynaha Dawladda Punland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa mahad celin u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

‘’Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saran tahay, ujeedada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha madaxtooyada ku jirta,  markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka,’’ Ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Masaajidkan ayaa noqonaya kii ugu horayay ee laga dhiso xarunta Madaxtooyada.

Hoos ka daawo Muuqaalka Warbixinta:-

https://business.facebook.com/GaroweOnline/videos/1607400732622143/

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM