Madaxweyne Guudlaawe oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe

Image
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garowe ay soo gaaraan mas’uuliyiin badan.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo uu uga qeybgalayo Caleema Saarka Madaxweynaha dib loo doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay wufuuda ka timid Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa yiri: “Waxaan markale u hambalyeeynaya Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland.”

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garowe ay soo gaaraan mas’uuliyiin badan oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, kuwaasoo uu hoggaaminayo Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM