Madaxweyne Guudlaawe oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe

Image
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garowe ay soo gaaraan mas’uuliyiin badan.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo uu uga qeybgalayo Caleema Saarka Madaxweynaha dib loo doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay wufuuda ka timid Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa yiri: “Waxaan markale u hambalyeeynaya Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland.”

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garowe ay soo gaaraan mas’uuliyiin badan oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, kuwaasoo uu hoggaaminayo Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM