Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tagey magalaada Galakacayo

Image

GALKACAYO- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa booqasho ku tagey magalaada Galkacayo iyadoo wararku sheegayaan in uu halkaas kula kulami doono Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Safarka Camey ayaa sida warsidaha GO Wararka ku helayo la xiriira xiisado u dhexeeya qabaa'ilada wada daga gobolka Mudug.

Camey ayaa waxa inta uu joogo Galkacayo kulamo la qaadan doono odayasha gobolka isaga oo dhinaca kale uu kuurgali doono howlaha gobolka ka socda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa weli ka aamusan qarax maalintii Ciida lala beegsadey dad ka kooban askar yo shacab tuulada Af-urur halka soo ku dhinteen 7 qof halka dhaawacu gaarayo 42 ruux.

Dowlada Puntland ayaa horey si Khalad ah uga hadashey qarax horey loola beegsadey Af-urur kasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 40 qof halka 100 dhaawacu kor I dhaafey.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo kadib ka hadlay qaraxaas isagoo tacsi u direy eheladii dadkii waxyeeladu kasoo gaartey weerarkaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM