Ku-xigeenka Puntland oo booqdey xerada 54 aad ee Garowe

Image

Sept 15, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland ayaa maanta booqdey xerada 54 aad ee ku taal duleedka magaalada Garowe halksoo ciidamada Darawiishta ee ku xerysan gadood mushahr la'aan ah ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafey.

Booqashada xerada ayaa madaxweyne ku-xigeenka Camey ku weheliyey taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere iyo saraakiil kale.

Mudane Camey oo la hadley ciidamada guud ahaan iyo gaar ahaan saraakiisha ciidamadaas mushahar la'aanta ka cabaneyey ayaa wararku sheegayaan inuu kala hadley sidii ay u heli lahaayeen xuquudooda ka maqan mudadad gaareysa 28 bilood.

Ku-xigeenka Puntland ayaa qirey in xukuumadiisu dayacdey ciidamadaan ku xereysan xeradaan kuwasoo uu xusey inuusan rumeysneyn in xoog intaas tiradooda leegyahay joogaan 54aad.

Ciidamadaan ayaa gadood sameeyey maalmihii la soo dhaafey kadib markii ay sheegeen in xuquudooda ka maqan tahay 28 bilood.

Xerada 54aad ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan kuwasoo inta badan ka cowda mushahr la'aan daahda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM