Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Bosaso tagay

Image

13 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay ayaa maanta tagay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Socdaalka Camay ayaa la sheegay inay la xiriirto u kuurgalidda xaaladda magalada, wuxuuna isla manta ka qayb galay munaasabad 400 Arday uga qalinjabinayeen jaamacadda Bariga Afrika qaybta Bosaso.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Bosaso oo maraya heer gabo gabo ah, waxaana la filayaa in xarigga laga jaro intaan la gaarin 2016.

Waa safarkii labaad oo Camay ku tago magalada Bosaso tan iyo markii 08 Janaayo lagu doortay magalada Garowe xarunta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM