Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Bosaso tagay

Image

13 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay ayaa maanta tagay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Socdaalka Camay ayaa la sheegay inay la xiriirto u kuurgalidda xaaladda magalada, wuxuuna isla manta ka qayb galay munaasabad 400 Arday uga qalinjabinayeen jaamacadda Bariga Afrika qaybta Bosaso.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Bosaso oo maraya heer gabo gabo ah, waxaana la filayaa in xarigga laga jaro intaan la gaarin 2016.

Waa safarkii labaad oo Camay ku tago magalada Bosaso tan iyo markii 08 Janaayo lagu doortay magalada Garowe xarunta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM