Madaxweyne Puntland oo tagay Bosaso gobolka Bari [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

06 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari. 

Waftiga waxa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntlad Eng.Cabdixakiiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin kale. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay afaafka hore magalada, waxaana kusoo dhaweeyay wasiirro, maamulka gobolka, degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kahor inta aysan imaan magalada Bosaso mas'uuliyiinta ayaa kusoo hakaday degmada Waaciya gobolka Karkaar halkaas oo uu Madaxweyne Gaas kula kulmay waxgaradka deegaanka isagaoo kala hadlay arrimo nabadgalyo kamid tahay iyo sidii loo joojin lahaa khilaaf degmada Waaciya ka taagan.

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayuu Madaxweynuhu xarigga kaga jaray Cusbital weyn oo dhowaan laga hirgeliyey, wuxuuna ku ammaanay Dr.Saalax oo ah Aas-aasaha cusbitalka sida muwaadinnimadu kujirto ee howshan isugu xilsaaray. 

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale dhagax dhigay magalada Bosaso Buundo horey u go’day, islamarkaasna lagu dhisayo barnaamijka dowladdu ugu magac dartay "Puntland ha isku tashato" waxaana kucaya kudhowaad adduun lacageed oo gaaraya $40,000(Afartan kun oo doolar). 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya, kaas oo ay iska kaashanayaa dowladda hoose degmada Bosaso iyo hay’adda "SSF".

Gaas ayaa intaas kadib saxaafadda kula hadlay magalada Bosaso isagoo kawarbixiyay safarkiisa wuxuuna xusay inay u yimaadeen furitaanka garoonka diyaaradaha, ballaarinta dekedda Bosaso iyo kaqayb qaadashada mashaariico hormarineed oo degmada laga fuliyo.

Xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa kusii qulqula mas'uuliyiinta katirsan Puntland, waxaana la hadal hayaa inay yimaadaan wufuud kasocota maamulka Jubbaland iyo DFS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM