Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay xilal cusub

Image
Madaxweynaha ayaa magacaabay shakhsiyaad ka shaqayn doona Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay shakhsiyaad kala duwan oo qaybtood ka shaqayn doona Madaxtooyada iyo hay’daha kale dowladda.

Xilalka ayaa kala ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud.

Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland u magacaabay Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan oo ah nin aqoon-yahan ah oo in muddo ah la soo shaqeeyey hay’adaha caalmiga ah.

Cabdirisaaq Aadan Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Sidoo kale, Agaasimaha Bangiga Dhexe, ayaa nqoday Khadar Cabdi Axmed oo muddo 20-sano ah ka shaqeynayey bangiyo ku yaal dalka dibadiisa; gaar ahaan bangi ku yaal magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabta.

Dhinaca kale, wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loogu magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Cismaan ayaa ah khabiir dhinaca maaliyada, wuxuuna muddo badan ka shaqeynayey wasaarada maaliyada iyo hay’ado kale duwan ee caalami ah; gaar ahaan kuwa arimaha dakhli kordhinta ka taageera dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM