Magaalooyinka Bosaso iyo Minneapolis oo la mataanaynayo

Image

October 8, 2014 (GO)- Hogaamiyaasha jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku nool magaalada Minneapolis ayaa wada qorshe lagu mataanaynayo Minneapolis iyo xarunta gobolka Bari ee Bosaso.

Qorshahan oo in muddo ah soo socdey waxaa la filayaa in todobaadkan gudihiisa ay go'aanka ugu dambeeya ka gaaraan xubana golaha deegaanka Minneapolis oo iyadu ah magaalada  jaaliyadda Soomaalida ee ugu badani ku nool yihiin.

Cabdi Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis islamarkaana ahaa Somali-American kii ugu horreeyey ee xil noocaas ah qabta ayaa Wargeyska StarTribune uga waramay sida uu u arko qorshaha lagu mataaneynayo labada magaalo.

Wuxuuna sheegay in haddii qorshahaasi hirgalo uu wax badan ka bedli doono xoojinta xiriir aan rasmi ahayn oo horay uga dhex jirey labada dhan qaybna weynna ka qaadan doono in bulshada ku dhaqan labada magaalo si fiican isula jaan qaadaan.

Cismaan Axmed oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaalida Maraykanka ku dhaqan, wuxuu sheegay in mataaneynta labada magaalo fursado ganacsi oo badani ka dhalan karaan, gaar ahaan magaalada Bosaso oo ku fiican dhanka isgaarsiinta suurogalna ay tahay in laga abuuro shirkado isgaarsiineed oo wadaag ah.

Haddii golaha deegaanka Minneapolis ogolaadaan in magaaladaasi la midowdo Bosaso oo ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland, waxay taasi toban ka dhigeysaa tirada guud ee magaalooyinka Minneapolis horay ula mataanoobay.

Xigasho: Startribune

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM