Magaalooyinka Minneapolis iyo Bosaso oo la mataaneeyey

Image
Image
Image
Image

October 10, 2014 (GO)- Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa noqotay magaaladii ugu horeysey ee Somalia ku taalla oo la mataanowda magaalo ka tirsan dalka Maraykanka kadib markii shalay gudiga arimaha dibada ee golaha deegaanka magaalada Minneapolis cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen qorshahan oo mudo dheer laga soo shaqaynayey.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis gaar ahaan jaaliyadda Puntland xubno ka tirsan ayaa dadaal dheer u galay sidii arintan loo hirgelin lahaa, waxaana dadkaas kamid ah Deeqo Xasan Shabeelle. Mar wax laga weydiiyey siday u aragto in maamulka Minneapolis  ogolaadeen in magaaladaasi la mataanowdo xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland ee Bosaso waxay ku tilmaantay fursad weyn iyo tallaabo dhanka horumarka loo qaaday.

Cabdi Warsame oo ah qofka keliya ee Soomaaliga asalkiisu yahay ee qaybta ka ah golaha deeegaanka Minneapolis  oo isna goob joog ahaa goobta codayntu ka dhacday haseyeeshee aan isagu codeyn maadaama xubnaha codeynayaa ahaayeen lixda  xubnood ee gudiga arimaha dibadda oo qura, wuxuu sheegay in talaabadani horseed u noqonayso mataaneynta magaalooyin kale oo ka  kala tirsan Maraykanka iyo Somalia. 

Badi dadka reer Puntland ayaa qorshahan soo dhoweeyey, iyagoo xusay inuu fursad weyn u yahay Bosaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland maadaama uu qayb ka qaadan doono xoojinta xiriirka labada dhan iyo inay yeeshaan iskaashi dhanka ganacsiga ah.

Faa'iidada koowaad ee Bosaso ka dhaxlayso la mataanoobista Minneapolis waxay noqonaysaa in magaceeda dunida oo dhan laga barto gaar ahaan Maraykanka oo todobaadkan wargeysyada kasoo baxaa si weyn arintan wax uga qorayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM