Magacyada dadka ku dhintey iyo kuwii ku dhawacmey qaraxa Garowe

Image

April 20, 2015 (GO)- Garowe Online ayaa heshay magacyada iyo dalalka ay u kala dhasheen dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Weerarka oo lala beegsadey gaari bas ah oo ay la socdeen qaar kamid ha shaqaalaha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta UNICEF ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta dhismaha UN-ka ee Garowe.

Dadka weerarkaas ku geeriyoodey ayaa kala ahaa:

  1. Brenda Kyeyune, Uganda.
  2. Woki Munyui, Kenya.
  3. Payenda Gul, Afghanistan.
  4. Stephen Adero, Kenya.
  5. Hal askari oo ka tirsanaa SPU, Somalia.
  6. Hal askari oo ka tirsanaa PRS, Somalia.

Dadka dhaawaca ah ayaa iyagana magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Clement Adams, Uganda, dhaawac fudud.
  2. Marialle Davies, Sierra Leone, dhaawac culus.
  3. Cabdirisaaq Maxamed, Soomaali, dhaawac fudud.
  4. Jill Shermin, USA, dhaawac fudud.
  5. Makonna Florance, Kenya, dhaawac culus.
  6. Labo askari oo ka tirsan SPU, dhaawac fudud.

Dhammaan dadka weerarkan ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmey ayaa ka tirsanaa shaqaalaha UNICEF. Al-shabaab ayaa sheegatey mas'uuliyadda weerarka.

Kala soco Garowe Online wixii kasoo kordha arrintan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM