Maleyshiyaad "xiratay" wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Boosaaso

Image
Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in talaabadan ay xayirtay gadiid farabadan oo xamuul ah.

GAROWE, Puntland - Kooxo maleeshiyaad ah oo ka careysan in Dowladda Puntland xal ka keeni waydey iska-horimaad ku dhexmartey ciidamo Ilaalo ah iyo kuwa booliiska gobolka Mudug bishii April ee la soo dhaafey ayaa hakad geliyey isu-socodka wadada muhiimka ee isku xirta Gaalkacyo iyo magaalada ganacsiga ee Bosaaso.

Isku-dhacan oo dhaawac culus ka soo gaarey Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa, sida warsidaha GO ogaadey, waxaa guddi u saarey Madaxweyne ku xigeenka Puntland kuwaas oo loo xil-saarey iney soo baaraan dhacdadaan.

Gudigaan ayaa, sida wararka sheegayaan, go’aan ka gaarey dhinacii bilaabey is-raaseynta iyo in dowlada Puntland bixiso khasaarihii halkaas ka dhashey.

Qaar ka tirsan dadka aad ugu dhow arinkaan ayaa tibaaxay in kooxdaan maleeshiyaadka ah ka careysan tahay in go’aanka guddiga aan la shaacin iyo in khasaarihii la sheegey in dowlada bixineyso aan la bixin.

Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in halkaas ku xanibanyihiin gadiid farabadan oo xamuul ah iyadoo isku-dayo waxgaradku sameeyey aysan Miro dhalin.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo dowladda Puntland ay kasoo saartey arrintan. Warbixino cusub waxay muujinayaan in ay bilowdeen dadaalo lagu qaadayo jidgooyadda cusub.

Dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweyne Dani oo in muddo ah ku mashquulsanaa tartanka madaxtinimida Soomaaliya ayaa waxaa horyaala arimo badan oo xal u baahan gaar ahaan colaadaha qabaa’ilka iyo maleeshiyaadka hubeysan kuwaas  marar qaar isku daya in cabashooyinkooda ku muujiyaan talaabooyin noocaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM