MAP oo sharci darro ku tilmaamtay shaqo joojinta VOA-da [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Shir jara'id oo mas'uuliyiinta ururka ku midaysanyihiin saxafiyiinta Puntland ee MAP ku qabteen magalada Garowe, ayay kaga hadleen waraaqda lagu xanibay shaqada Idaacadda VOA-da oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Maxamed Daahir Yusuf Salim oo ah madaxa tababarada MAP, ayaa warqadaasi ku tilmaamay inay tahay mid si sharci darro uga soo baxday xafiiska wasaaradda, isla markaana aysan waafaqsanayn sharciga iyo qawaaniinta u yaalla Puntland.

Saalim, ayaa wasaaradda warfaafinta ku eedeeyay handadaad ay kula kacdo saxafiyiinta Puntland, isagoo soo jeediyay in wixii khaldan lagu saxo sharciga.

Gudoomiyaha ururka, Faysal Khaliif Barre, ayaa dhankiisa sheegay in dadka la baro sharciga balse aan lagu hogaamin sharci darro, wuxuuna ugu baaqay hadii wasaaraddu haysato cadaymo ku aadan waxyaabaha lagu soo eedeeyay VOA inay la tagto maxkamad.

Arrintan ayaa timi  ka dib markii saaka wasaaradda warfaafinta Puntland soo saartay waraaq lagu joojinayo shaqada Idaacadda VOA-du ka hayso deegaanada Puntland, waxaana dowladdu ku eedaysay tabinta warar aan sal iyo raad lahayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM